30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Daawo Farmaajo oo ka digay waxii dhacay 2012

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne aha ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, oo wareysi dhinacyo badan taabanaya lala yeeshay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo musuq maasuqa lagu sameeyo doorashada.

Wuxuu so hadalqaaday haddi dadka doorashada sameynaya ay qaataan dhaqaalo ay lamicno tahay iney dalka godkale kusii ridayaan oo aysan ka shaqeynin danaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi si lamid ahna ay dhibaato ku keeni doonta xildhibaanka doortaa qof uusan aqoon wuxuu dalka kusoo kordhinayo,

“Haddii aad keento qof aad taqaano oo ka shaqeynaya amaanka oo ciidamada dhaqaalo badan ku bixinaya waxaad heleysaa waxaad taqaano, laakiin haddii aadan keenin xildhibanow waxaadan aqoonin waxaad la kulmeysaa waxaadan aqoonin, waad aragtaa xildhibaano badan ayaa la dilay, sababtoo ah iyagaa keenay waxaysan aqoonin”ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada muhiim tahay iney aayaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed eegaan oo aysan dhaqaalo qaadan.

“Xildhibaan ama musharax lacag bixinaya waa arin lla yaabo caalamka aan hadda joogno musharaxa isaga ayaa lacag la siiyaa si uu isku sharaxo oo isku soo bandhigo, laakiin musharax dhaqaalo biixinayo waxay lamicno tahay in madaxweynaha dalka ka leeyhay”ayuu hadalkiisa kusii dray Farmaajo.

Hoos ka daawo wareysiga

- Advertisement -

Read more

Local News