Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ka biya diidan yahay Codsigii kaga imaaday dhanka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia C/rashiid Cumar.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Jawaari uu diiday in muddo 2 bil ah loo kordhiyo Xukuumada Somalia, kadib markii uu codsigaasi kala tashtay qaar kamid ah Golihiisa oo iyagu ka hor imaaday.
Jawaari ayaa cudur daar ka dhigay in aqbalida codsigaasi ay ku noqoneyso baal-mar lagu sameeyo Dastuurka, balse waxa uu dhanka kale tibaaxay in shaqsi ahaantiisa uu jeclaan lahaa, hayeeshee uu dastuurku yahay mid mudan xushmad gaar ah.
Jawaari waxa uu sidoo kale carab dhabay in arrintaani uu aqbali karo kaliya goortii ogolaansho cad ay uga imaado dhanka Xildhibaanada BFS.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali, ayaa ku howlan qaabka ugu sahlan ay Xukuumadiisu ku heli karto wakhti kororsi, waxa ayna caqabadu tahay mid ka taagan dhanka Guddoonka sare iyo Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

