30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo hakiyay qasnada lacagta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo madax-banaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu hakiyay in dhaqaale laga saaro qasnada DFS.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu warqad u qoray Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Maxamed Aadan Ibraahim ”Fargeeti”, taasi oo lagu faraayo inuusan bixinkarin dhaqaale uusan la socon.

Warqada ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan uu sidoo kale ku dalbaday in Wasaarada Maaliyada ay dib usoo xareyso lacagaha ka maqan Qasnada DFS, isagoo kadigay in Qasnada laga saaro dhaqaale aan la ogeyn halka ay ku socdaan.

Wasiirka maaliyada ayaa sidoo kale la faray inuu xakameeyo dhaqaalaha ugu horeeya ee kusoo dhici doona Bankiga, iyadoo warqada lagu xusay inay jiraan dhaqaale ka baxay Bankiga oo aan cadeyn halka ay ku baxeen.

Xogtu waxa ay intaa raacineysaa in dhaqaalahaasi Qaranka uu Xassan Sheekh doonaayo inuu kaga gudbo doorashada, waxaana xusid mudan in Shaqaalaha DFS laga joojiyay mushaaraadkii ay qaadan jireen.

Lama oga sababta ka danbeysay in Xassan Sheekh uu isaga isku soo koobo amar bixinta iyo lasocodka Miisaaniyada Dowlada xili Shaqaalaha Dowlada laga jaray mushaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News