25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Warbixin: Guuleed oo qasab kula kulmay Jigjiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dalka Ethiopia ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug C.kariin Xuseen Guleed uu waji gabax kala kulmay wasiirka arimaha dibada Ethiopia oo uu doonayay inuu kala hadlo dagaaladii ka dhacay dhanka xuduuda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wasiirka uu ku wargeliyay Guuleed uu arimaha dagaalada kala hadlo cidda ay quseyso oo ahaa maamulka Dowlada Deegaanka Soomaalida, isagoo durba tagay magaalada Jigjiga.

Siyaasiyiinta deegaanada Galmudug kasoo jeeda ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in madaxweyne Guuleed uusan u tagin magaalada Jigjiga iyo dalka Ethiopia inuu xal raadiyo balse uu xil raadis yahay si maamulka muddo dheeraad ah usii hayo.

Siyaasiyiinta ayaa ku dhaliilay madaxweyne Guuleed inuu ku faraxsan yahay iney isla kulmaan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo markii la dambe la arkay Genaraal Gabra oo ku dhex jira madaxda hishiineysa.

Ethiopia ayaa ah cadowga koowaad ee Soomaaliya waxii ka dambeeyay dagaalkii 77-dii qasbay in ciidamadii qaranka Soomaaliyeed gudaha u galaan magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News