Daawo: Fiqi oo si caro leh uga hadlay dhismayaal lagu joojiyey amarka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si caro leh uga hadlay dhismayaal ka socday Muqdisho oo loo istaajiyey amarro ka yimid Al-Shabaab. 

“Dowladda Soomaaliya  waxaa ay fareysaa milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka argagixisida Al-Shabaab waxaa uu ka tarjumayaa in ay tahay arrin dambi ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray “In amar laga qaato cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay.”

Wasiirka ayaa amray in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan dadkii howsha dhismaha, wuxuuna ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono ciddii aan sidaas sameyn.

“Ciidamada ammaanku waxay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri. 

Al-Shabaab ayaa dowlad aan muuqan oo dhinac socota dowladda federaalka ku leh magaalada Muqdisho. Waxay canshuurtaa ganacsiyada, waxay maxkamado uga yeertaa shacabka, waxayna soo saartaa amaro dhaqan-gala oo ay ku joojiso dhismayaasha kuna xirto goobo gacansi. 

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Fiqi