Xamza oo xilka ka qaaday agaasimihii wasaaradda A/G, magacaabay mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay agaasime cusub.

Wareegto maanta kasoo baxday ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa xilkii looga xayuubiyey Saciid Cabdullaahi Calasow oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacaabay Caydaruus Macallin Cabdulle, oo la amray inuu xilka si degdega ula wareego.

Qoraalka Xamza kasoo baxay laguma sheegin wax sabab ah oo xilka looga qaaday Saciid Cabdullaahi, waxaase warqadda lagu xusay sababta xilka loogu magacaabay Caydaruus Macallin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xamza uu xilkan ugu magacaabay Caydaruus khibradda iyo aqoontiisa iyo baahida loo qabo in la dardar geliyo habsami u socodka arrimaha maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha. 

Xil ka qaadistan ayaa timid kadib markii uu dalbaday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo isbedello ka wada wWasaaradda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii June 2021 hore xilka agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ugu magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow.