Xog: Maxaa looga jawaabay codsigii ka yimid odayaal ka socday kooxda Al-Shabaab?

Cadale (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ee hoggaaminaya gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa diiday inay aqbalaan waan-waan ay odayaal deegaanka ka soo ka wadeen Al-Shabaab.

Seddax oday oo sheegay inay ergo ka yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa la soo xariiray masuuliyiinta, waxayna cadeeyeen in qorshaha Al-Shabaab uu yahay inay isaga baxaan dhulka ay degaan beelaha Hawiye, islamarkaana ay beesha ka codsanayaan in gobollada kale ee koonfurta dalka aysan uga daba imaan.

Xogta aan helnay waxay cadeyneysaa in saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ee ku sugan degmada Cadale oo codsigaan uu ku socday ay ku gacan seyreen dalabka odayaasha, waxaana Cadale la isugu keenay ugu yaraan 200 oo gaadiid dagaal ah iyo ciidan aad u badan.

Sida qorshuhu yahay waxaa maalmaha soo socda gobolka Shabeellada Dhexe ka bilaaba doona guluf dagaal oo saf balaaran ah, kaas oo cagta lagu marinayo deegaanada ay Al-Shabaab joogaan, saraakiishu waxay noo sheegeen in la dejiyey qorshe la doonayo in lagu soo afjaro dagaalyahana kooxdaas ka joogta gobolka Sh/Dhexe.

Wararku waxay intaas ku darayaan markii Al-Shabaab laga sifeeyo gobolka Shabeellada Dhexe in ciidanka loo jihey doono dhenka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab ku xoogan yihiin.

Kooxda Al-Shabaab oo cabsi iyo culeys badan kala kulmeysa duulaanka uga soo wajahan Shabeellada Dhexe ayaa soo dirtay odayaashaan codsigooda la diiday, kuwaas oo sheegay inay ku sugan yihiin deegaan u dhow degmada uu abaabulku ka socdo ee Cadale.

“Waxaan nahay 3 nin oo la soo wakiishay, inaan wadahadal furano ayaan rabnaa, waxaan helnay magacyada iyo taleefoonada raga hoggaaminaya ciidanka Xamar ka soo duulay, marka fariin ayaan idinkaga wadnaa Al-Shabaab,” ayuu yiri odagaan ay Al-Shabaab soo wakiisheen.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo balan qaadeen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse beesha ay ka rabaan in koonfurta Soomaaliya aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.

“Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin walaalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhulkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, koonfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso codka sirta ah ee odayaasha codsiga waday