Dowladda oo qorsheynaysa magacaabista guddi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa shaaciyay inay qorsheynayaan magacaabista guddi cusub oo dhalinyaro.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan cusub uu ka shaqeyn doono dhaqaale ururinta iyo taakuleynta ciidamada ku jira furimaha dagaalka ee la dagaalamaya argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dagaalka ku wajahan Al-Shabaab ay uga qeyb qaadan karaan dhowr nooc si awooda la isugu geeyo ka xoreynta dalka, isaga oo xusay in fursadaasna ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qorshahaan ayaa haddii uu si dhab ah u hirgelo ayaa wax badan ka tari doona howl-galada dagaal ee ka socda meelo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo ka dhan ah argagixisada.

Kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo iskaashanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaano sanado badan ay hayseen kooxda Al-Shabaab.