Daawo: GABAR 14 jir ah oo kufsi wadareed iyo jir dil loogu gaystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar yar oo 14-sano jir ah ayaa kufsi wadareed iyo jir dil loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ehelkeedu warbaahinta u sheegeen, waxuuna falkaasi gabi katuuray noloshii gabarnimo ee dhibanahaan.

Falkaan waxa uu dhacay 17-kii bishaan, waxayna ragii kufsaday gabadhaan duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ku heysteen mudo laba cisho ah, ehelkeedu waxay warbaahinta u sheegeen in ku dhawaad 20 rag ah ay kufsi wadareed u geysteen gabadhooda.

Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer u ah gabadha la kufsaday waxa uu warbaahinta u sheegay in illaa 8-qof loo soo qabtay falkaan, kuwas ooh adda ku xiran xarunta dembi barista booliska ee CID-da.

Sidoo kale Adeer Jabriil waxa uu sheegay in lagu daba jiro ku dhawaad 10 nin oo kale, kuwaas oo laga garanayo deegaanka, isla markaana sida uu sheegay ka baxsaday, si aan loo qaban.

Gabadha Hooyadeed ayaa sheegtay in markii la afduubanayey gabadheeda ay u dirsatay adeeg, isla markaana ay raadinayeen laba cisho oo duurka lagu heystay, waxayna meel duur ah ka heleen iyadoo dhib xoog leh loo geystay.

Hooyadaan waxay dalbaneysaa in raggii dhibkaan u geystay gabadheeda cadaaladda la mariyo.

Yaasiin Maxamed oo isna Adeer u ah gabadhan ayaa sheegay in falkani uu muujinayo sida arxan darradu ay ugu sii baaheyso Soomaaliya, isagoo sheegay in 20 rag ah ay isugu tageen gabadhaan, dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in lagu gacansiiyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa raggii kufsi wadareedkaas u geystay gabadhooda.

Hoos ka Daawo warbixin ay ka sameysay KNN