Daawo: Gabar 7 jir ah oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday xaafadda Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil arxan darro ahaa oo loo geystay gabar 7 sano jir aheyd.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Nasro Cabdifitaax Abuukar ayaa la sheegay in dishay haweeney ay shaqaale u aheyd, taas oo ay soo xireen ciidamada ammaanka.

Ehellada gabadha yar ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore loo sheegay in gabadhooda ay ku dhacday musqusha, kadibna ay sidaas ku geeriyootay, balse waxa ay tilmaameen in arrintaasi aysan waxba ka jirin, isla-markaana la dilay gabadhooda yar.

Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV ayaa shaaca ka qaaday in gabadha yar jirkeeeda uu ka muuqday dhaawac ka dhashay jirdil xoogan oo loo geystay.

“Aniga waan ku qanci waayey hadalka la ii sheegay, marka saldhigga Kaaraan ayaan tegay waxaan ku sameeyey dabagal ciidanka iyo aniga waan is raacnay guriga uu dhibka ka dhacay ayaan tegnay waxaa noo cadaatay in gabadha la falay oo dhibaato badan jirkeeda uu ka muuqdo,” ayuu yiri  Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV.

Sidoo kale wwuxuu intaasi sii raaciyey “Ma aheyn mid saaka kaliya dhib loo geystay, dhib fara badana waa ka muuqday,”.

Dhankeeda hooyada dhashay gabadha yar ee sida arxan darrada ah loo dilay ayaa ka warbixisay dareenkeeda iyo waxa ay la kulantay markii ay dul tegtay meydka gabadheeda.

“Aniga saaka, ayadoo meyd ah ayey isoo wacday, haddii aan u tegaayey canugta naf kuma jirin waxaana u maleynaayey inay caadi u dhimatay daqar ayaa ku yaal marna isma dheheyn? ” ayey tiri Nasro Hooyadeed.

Ugu dambeyn waxa ay qosykan farriin u direen dowladda federaal Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in cadaaladda ay marsiiso haweeneydii ka dambeysay dilka gabadhooda.