Filippo Grandi oo baaq culus u diray Xasan Sheekh iyo Ruto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah, markii la eego xaaladda Bariga Afrika, si loo xakameeyo tirada sii kordheysa ee dadka ay bara-kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada gobolka.

Mr. Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku qasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal Xasan Sheekh iyo William Ruto inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ururrada caalamiga ah ay mar horeba ka digeen gaajada iyo macluusha ku soo wajahan gobolka.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomaalidu ku jiraan, iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootiga ku nool.

Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan, waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqotay in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka.

Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.