Xamza: Soomaaliya waxaay u baahan tahay hal mid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo shalay daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka ayaa munaasibadaas ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay gebi ahaanba xorowdo, si ay dalka uga hirgalaan mashaariicda horumarineed.

Xamza ayaa sheegay inaysan joogin meel la fadhiyo ayna tahay in la difaaco qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in dhamaan bulshada Soomaaliyeed u wada istaagto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Gacanta Bidix waxa ku wadeyna horumarinta iyo dhisida dhaqaalaha, gacanta kale ee midigta waxa ku qabaneyna nabad-gelyada iyo in aan cadowga la dirirno ayaa ku qabaneyna,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii aad kor u dhihi karin hoos u dhaha oo ha la taageero dagaalka socda waxaa rabna in aan kuligeen u wada istaagno in dalkeena difaacno, si waqti kooban aan aduunka usoo gaarno oo waxa u baahanahay in aan xorowno.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidan oo kale hore ugu dardaarmay in umadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wada-jeesato dagaalka ka dhanka ah argixisada Al-Shabaab, kaasi oo maraya meel fiican.

Dagaalkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha ayaa waxaa illaa hadda lagu xoreeyay deegaano hor leh oo argagixisada ay gacanta ku haysay sanado badan.

Waxaa la rajeynayaa haddii uu sidan kasii xoogeysto kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqon doonto dhamaadkii argagixisada ee Soomaaliya.