Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo fawdo, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Xildhibaannada qaar ayaa gacan iskula tegay hoolka Baarlamaanka, iyada oo mar dambe ay arrinta farogeliyeen ciidamada Booliska ee ka shaqeeya Baarlamaanka.
Arrinta ayaa gaartay heer ay xaalada faraha ka baxday, waxaana sidoo kale la burburiyay qaar kamid ah agabka Baarlamaanka, sida makarafoonada iyo kuraasta.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa si kasta isugu dayay inuu xakameeyo xaaladda kasoo cusboonaatay Baarlamaanka, wuxuuna carab baabay qaar kamid ah xildhibaannada ku kacsan isaga ee maanta fowdada ka sameeyay fadhigii Golaha Shacabka Soomaaliya.
”Xildhibaan Caana-nuug Jiis ayaa tahay fariiso, Xildhibaan Jeesow adne duq ayaa tahay naga fariiso, Xildhibaan Xasan Yare daraad khaladka gashay waa la ogaa meeshaan ayaa dad ku dishay waa lagu cafiyay weli balaayadii sii wadaa ee fariiso,” ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri qaar kamid ah xildhibaannada buuqa sameeyay.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xildhibaannada sharaftal leh waxaa idinka codsanayaa inaad ilaalisaan nidaamka iyo sharciga innoo yaallo, waa ogahay 20 nin oo kaliyaa wadda fowdada”.
Xiisaddan oo sababtay inuu hakad galo Kalfadhigii Baarlamaanka ayaa ka dhalatay, kadib markii xildhibaannada iyo guddoonka sare ay isku qabteen maamuus ka xayuubintii Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo dhowaan looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka sare, waxayna taasi keentay in xildhibaannadu ay iyaguna mooshin xilka qaadis ah ka keenaan Sheekh Aadan Madoobe.
Xiisadda ayaa haddane xalay yeelatay weji cusub ka gadaalmarkii guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.
Intaasi kadib xildhibaannada mooshinka keenay oo kor u dhaafaya 100 mudane ayaa iyaguna shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in aanay ku qancin tallaabada uu qaaday guddoomiyaha, ayna sii wadaan mooshinka ay wadaan ee xilka qaadista ah.
Waxaa kale oo ay xildhibaannadu cadeeyeen in guddoomiye Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.
Xaaladda adag ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xildhibaannada ay hortaallo shaqo culus oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.