Daawo: Golaha ‘Badbaadada HirShabeelle’ oo Muqdisho looga dhawaaqay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Gole mucaarad ku ah hoggaanka dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana caasimadda dalka ka bilowday abaabul xooggan oo ka dhanka hoggaanka maamulkaas.

Odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo dhalinyaro ayaa ku mideysan gobolahaan oo logo magac-daray golaha midnimada iyo samata-bixinta HirShabeelle, waxaana xubnaha hoggaaminaya ka mid ah Sheekh Cusmaan Barre.

Nabadoon Muumin Gariig oo ka mid ahaa odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in dhibaatadii ka jirtay dalka oo dhan markii uu Farmaajo xukunka joogay ay hadda ku hartay HirShabeelle oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Saakay qof kasta oo HirShabeelle ku abtirsata Wariiri ayaa ku jira, HirShabeelle markii hore xaaraan ayaa lagu dhisay, hadda waa la sii laba jibaaray, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaan leenahay HirShabeelle nala badbaadiya,” ayuu yiri Nabadoon Muumin Gariig.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in shacabka reer HirShabeelle ay ka hareen asaagood, isla markaana ay ku hungoobeen raggii ay madaxda ka dhigteen.

“HirShabeelle waxaa markii hore lagu aas-aasay si deg deg ah, laakiin maanta markii la barbar dhigo dowlad goboleedyada kale ayadaa u liidata, ciidan, garsoor, xarumo ama kaabayaal kale malaha, Galmudug oo wax yar naga weyn waad arkeysaan sida ay u hormartay, HirShabeelle maanta waxaa la degay maamul xumo iyo musuq-maasuq,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Ugu dambeyntii kulankii maanta Muqdisho lagu qabtay ee looga dhawaaqay golahaan cusun waxaa laga soo saaray bayaan 8-qodob ah, iyadoo war-saxaafadeedkaan lagu iclaamiyey shirweyne kale oo looga tashanayo aayaha HirShabeelle, sibey yiraahdeen maamulka loo badbaadiyo.

Waxaa xusid mudan in maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya inay is khilaafeen madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa oo hadda aysan ka dhaxeyn hadda wax wada shaqeyn ah.

Maamulka HirShabeelle ayaa hadda cagaha la sii gelaya khilaaf siyaasadeed, iyadoo uu ku furan yahay dagaal adag oo ka socda deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas, waxaana xusid mudan in 90% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab.

Khilaafkaan ayaa si weyn u cuuryaami kara dagaalka Al-Shabaab hadii aan la xakameyn, waxaana macquul ah inay ku soo biiraan siyaasiyiin miidaan leh, taas oo golahaan ka dhigi karta mid gilgila madaxda khilaafka lagu xamanayo ee HIrShabeelle.

Hoos ka daawo bayaankii ka soo baxay ‘golaha samata-bixinta HirShabeelle’