SSC oo sheegtay inay usoo gacan galeen askar Somaliland ah – Kadib maxa dhacay?

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay isku soo dhibeen askar ka tirsan ciidamada Somaliland iyo hubkoodii ay wateen.

Isimida Laascaanood ayaa waxay sheegeen in si nabad-gelyo ah ugu gudbiyeen askartaas iyo hubkoodaba dhinaca Somaliland, kuwaasi oo gebi ahaanba ka baxay dagaalka socda, sida ay sheegeen.

“Waxaa diyaar u nahay in ciidamada Somalilnad ee Sool ka dagaalamaya si nabad-gelyo ah loogu fududeeyo inay ku laabtaan deegaankooda,” ayay warbaahinta u sheegeen Isimida SSC.

Sidoo kale waxay sheegeen in aan cidna dhibaato loo geysan doonin, iyaga oo ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ay xabbada joojiyaan oo ay deegaankooda si nabad-gelyo ah ugu laabtaan.

“Waxaa gudbina oo dirna oo guryahooda geyna kuwa qorigii ay ku dagaalamayeen wata, waxaa leenahay wixii alaala wixii gurigoodii ku noqonaya, haddii uu qori ama gaari wato lagu hunguriyen mayno ee nabad-gelyo ayaa ku marineyna hadda nahay reer SSC.”

Waxay intaas kusii dareen “Habeen walba waxa uu Muuse ku dhawaaqaya xabad joojin, Salaada marka laga baxo xabad ayuu nagu bilaabaya bal adduunkow maxa indhaha uga qarsaneysaan noo kaalaya oo arka inta la dumiyay iyo inta madfac na dhex taalla.”

Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii ay Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ay ka dalbadeen beesha caalamka in mashaqada ka socota Laascaanood loo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii sideedaad, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada Somaliland ay badi ku sugan yihiin saldhigyo ku kala yaala Tukaraq, Gambara iyo Gooje-Cadde oo dhaca bariga gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee kasoo jeeda SSC ayaa weli ku dagaalamaya Laascaanood, ayada oo xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac, taasi oo sida muuqata waxba ka tari weyday xaaladda ka taagan halkaasi.