Dilal yaab leh oo ka dhacay Jowhar: Aabe Maxkamadda ku hordilay laba nin oo dilay…

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta nin hubeysan uu ka geystay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkaan ayaa waxa la sheegay in uu afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaalada Jowhar uu ku dilay laba nin oo ku eedeeysna dilka wiilkiisa oo da’diisa aheyd saddex sano jir.

Ninkaan toogashada ku dilay labada nin ee ku eedeysna dilka wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa waxa la sheegay inuu ka tirsana ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da ee ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in toogashadan ay timid kadib markii ay Maxkamadda kasoo baxeen labada nin ee ku eedeeysnaa dilka wiilkiisa, xilligaasi oo maxkamadu sheegtay in xukunka labada eedeysane dib kasoo sheegi doonto.

Hase yeeshe arintaasi ayuu si weyn uga biya diiday oo la sheegay in uu ka carooday ninkan hubeysna, taasi oo keentay inuu isla goobta ku toogto labadii eedeysane.

Ninkaan ka tirsana Macawiisleeyda Shabeellaha Dhexe ayaa lasoo wariyay inuu toogashada kadib uu deg deg uga baxsaday goobta, ayada oo markii dambena ay goobta gaareen ciidamada maamulka.

Illaa hadda ma-jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Jowhar oo ku aadan dhacdadaan oo maanta si weyn looga hadal-haayay magaaladaas.