Madaxweyne Xasan oo shaaciyay siday ka yeelayaan ciidamada Macaawiisley-da

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaciyay sida laga yeelayo ciidamada Macawiisleyda ee qeybta ka ah dagaalka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu qabtay magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda uu si habsami leh uga socdo dalka.

“Shabaab intay fikireen ee meel fariisteen ayay waxay dhaheen waa maxay bottom-ka laga daari karo dadkaan markaas ayay arkeen oo dhaheen waa Diinta, qabiilka laguma wada kicin karo. Dadka Soomaaliyeed waa Muslim, meeshaas halaga soo galo ayay dhaheen marka waa sababtaas ee in ay Diin aaminsan yihiin ama jecel yihiin maaha,” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan ayaa waxa uu sheegay in kaalin muhiim ah ay howl-galka socda ku leeyihiin ciidamada Macawiisleyda, islamarkaana ay dowladda u diyaarisay qorshe lagu qarameynayo.

Qorshahan ayuu sheegay madaxweynaha in qeyb ka tahay sidii ciidamada Macaawiisley-da looga dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga deegaanada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan dagaalka, oo dhaqaalo ku taageeraan howl-galada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.