Isimida Puntland oo beesha caalamka u diray dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dagaalka Laascaanood, iyaga oo dalab deg deg ah u diray beesha caalamka.

Isimida Puntland ayaa ugu horeyntii taageeray go’aamadii dhawaan kasoo baxa isimada dhaqanka SSC, kuwaasi oo ay uga soo horjeesteen gooni isu-taagga Somaliland.

Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beldaje Salaad ayaa sheegay in aan xoog cidna lagu caburin karin, islamarkaana aan lagu qabsan karin.

“Dadkaasi waa ka tashan karaan aayahooda iyo masiirkooda. Waa khalad dilalka iyo madaafiicda loo adeegsanayo dadka reer Laascaanood.”

Isimadan ayaa Somaliland ku eedeeyey in aysan ka dhabeynin xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday, inkasta oo ay dhowr jeer ku cel-celisay xukuumadda Somaliland in go’aankeeda uusan waxba iska badelin.

Isimada ayaa beesha caalamka ka dalbaday in mashaqada ka socota Laascaanood loo soo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Hadalka Isimida dhaqanka Puntland ayaa imanaya, xili dagaalka Laascaanood uu galay maalintii sideedaad, kaasi oo dhaliyay khasaare xoogan.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka, hase yeeshe arrintaan waxba kama badalin xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Si kastaba, xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland oo markii hore loo arkayay in ay wax ka tari doonto xaalada ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay ku xireen in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada.