Daawo: Golaha Wadatashiga oo loo diray baaq la xiriira kursi xildhibaan ‘oo la boobay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ahaa musharaxiinta kursigii Xildhibaan ee loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa fariin hor leh u diray golaha wadatashiga qaranka oo dhawaan ka shiri doona qaladaadka hareeyey doorashada dalka.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble ku kala diray xubnihii laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, isagoo Alle uga baryey inuu haleeshiiyo go’aanada kale ee u baahan inuu qaado Rooble, si loo badbaadiyo kalsoonida doorashada.

“Ra’iisul wasaare waxaan Allah ka rajeynaa tallaabooyinka bilaawga ah ee aad qaaday kuwii ku xigay ee loo riyaaqi lahaa inaad qaado,” ayuu yiri.

Jeneraal Tuuryare oo fariin u diray golaha wadatashiga qaranka ayaa yiri, “Waxaan ugu baaqeynaa madasha wadatashiga oo naloo sheegay inay kulan ka yeela doonaan saxidda hanaanka doorashada iyo qaladaadkii dhacay, waxaan idiin rajeynayaa inaad ku dhiirataan saxidda doorashada iyo badbaadinta dalka oo aad ka soo guurtaan danaha aad is bideen ee shakhsiga ah iyo awoodaha aad ku takri fasheen.”

Waxa uu sheegay in kulanka golahaas ay rajo weyn ku xirayaan, maadaama maanta qarka loo saaran yahay in dalku fowdo galo oo doorashada laga rajo dhigo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa tihiin masuuliyiinta maanta maamusha 90% dalka oo dowladda dhexe uga hooseeya, waxaan rajo weyn ka qabnaa inaad wax sixi doontaan oo mas’uuliyadii aad fududeysateen ee lagu boobay kuraasta uu ka mid yahay HOP#67 aad dib u sixi doontaan, Rooble oo hoggaaminayaa madashaas waxaan kula talinayaa inuu muujiyo dhiiranaan gaar ah,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii