Daawo: Golaha wasiirrada oo caawa yeeshay shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyey …

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay caawa yeesheen Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.

“Shirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadanka Uganda,” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Sharciga koowaad ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya wuxuu ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada’ oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya. 

“Golaha ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada.

Heshiiskaas ay wada-galeen Soomaaliya iyo Uganda waxaa golaha hor keentay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna wasiirka ganacsiga ka hor sheegay golaha in heshiiskaan uu wax badan ku soo kordhi doono ganaciyada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, isla markaana uu muhiim u yahay iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

Hoos ka daawo