Madaxweynaha JABUUTI oo ka soo dagay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga hortegay garoonka, si uu usoo dhoweeyo wasiirka arrimaha dibadda, waxaana soo dhoweynta ka ahaa madax kala duwan iyo saraakiil ciidan.

Ugu horreyn madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna kadib salaan la dhex qaaday dadkii soo dhoweeyay.

Madaxeweyne Geelle ayaa u yimid ka qayb-galka shirweynaha maanta ka dhacaya caasimada ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo dalalka safla hore.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Geelle ayaa muujiyey sida dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya

Dhiniciisa madaxweynaha Jabuuti oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee Muqdisho

Sidoo kale waxaa la sugayaa hogamiyeyaasha dalalka Kenya iyo Itoobiya oo iyaguna saacadaha soo socda soo gaari doono Muqdisho, si ay uga qayb-galaan shirka.

Hoggaamiyeyaasha ka socda gobolka iyo dowladda dhexe ayaa arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Si kastaba, shirka ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.