Muwaadin SHIINEES ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Muwaadin Shiinees ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay Talaadadii sheegtay safaaradda Beijing ee Addis Ababa, oo ku amartay muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah.

Sagaal muwaadin oo Shiinees ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay bayaan.

“Nasiib-darro, mid ka mid ah ayaa la toogtay oo dhintay,” ayey tiri safaaradda, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan dhacdadan ama muwaadiniinta Shiineeska ah.

Ayada oo xasilloonida ay inta badan dib ugu soo laabatay gobolka waqooyi ee Tigray kadib laba sano oo dagaal xun ah, haddana dagaal ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan Ethiopia, oo muddo uu ka socdo dagaal iska caabin.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabaneysay in la liido.

Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA ayaa ka faa’iidaysatay caradan sii kordheysa, si ay u xoojiso safafkeeda ee dagaal sanado badan socda oo ay kula jirto ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka.

Hase yeeshee gobolka ayaa waxaa sidoo kale saameeyey dagaal qowmiyadeed kale, gaar ahaan mid u dhaxeeya Oromada iyo Amxaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan dalka.

Safaaradda Shiinaha ayaa Talaadadii sheegtay in “kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca” ay ku badan yihiin Oromia iyo gobollada xuduudda la leh.

Waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sare u qaadaan wacyigooda badbaadada ayna ka tagaan gobollada weli ay colaadaha saameynayaan.

“Haddii aad horey u joogtay aag halis badan, waa inaad isla hadda u guurtaa meel nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Marka lala barbardhigo dagaalka Tigray, dagaalka Oromia ayaan soo jiidan dareenka caalamka balse wuxuu halis ku yahay xasilloonida dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed horraantii bishan, wuxuu walaac uga muujiyey xaaladda Oromia.

AFP, VOA