Daawo: Guddiga dhismaha guriga madaxweyne Farmaajo oo war cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne ee Guriga loogu dhisayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo ololahaas.

Cabdirashiid Duqa oo ku hadlayay afka guddiga ayaa sheegay in uu meel aad u wanaagsan marayo ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo, isaga oo xusay in qofkasta oo wax ku darsaday ololahaan ay kaydiyeen magacyadooda.

“Guddiga waxay u mahad-celinayaan dadweynaha Soomaaliyeed sida sharafta badan ee ay uga qeyb-qaateen ololaha iyo sida dar-darta leh ee u wadaan ololaha Mahadsanid Madaxweyne. Waxaa farxad inoo ah in aan u xaqiijino in qofkasta oo kusoo hagaajiyey dhaqaalaha uu ugu tala-galay ololahaan ay nasoo gaartay,” ayuu yiri.

“Waxa sidoo kale idinla socodsiineyna in aan keydinay oo diiwaan-galinay qofkasta oo ka qeyb-qaatay ololaha, dhamaantiina si gaar-gaar ah ayaa idinla soo xiriiri doona hadduu alle yiraahdo.”

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Injineer kasta ee Soomaaliyeed oo doonaya in ololaha uga qeyb-qaato naqshad ama hindise guriga Farmaajo in uu si toos ah usoo gaarsiiyo guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha guriga loogu dhigasayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan karaan dadka aan weli qeyb ka noqon ololahaan.