Daawo: Guddoomiye Mursal oo tusmeeyay inuu socdo qorshe muddo kororsi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo maanta hadal ka jeediyey munaasabadii booliska ayaa hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, asigoo sheegay hishiiska 17-kii September uu ku egyahay bishaan December 2021-ka.

Mursal ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ku baraarugto in heshiiska doorashada uu yahay mid ku eg sanadkaan 2021-ka oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin, isagoo rajo xumo weyn ka muujiyey qaabka ay u socoto doorashada golaha shacabka oo wax badan dib u dhacday.

Sidoo kale Maxamed Mursal ayaa sheegay in 55 maalmood ay qaadatay in la doorto 24 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha cusub ee golaha shacabka, halka ay hartay doorashada 251 xildhibaan.

“Heshiiska siyaasadeed ee doorashada waxaa ku qoran 2020-2021, heshiiskaas Madaxweynaha ayaa ku soo saaray sharci lambar 30, Madaxweynuhu waxuu heshiiskaas ogolaaday in doorasho lagu aado, waxaa ku qoreyd in heshiiskaas uu ku egyahay sanadkaan 2021-ka,” ayuu yiri Maxamed Mursal guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

Mursal ayaa sheegay in dadka u xilsaaran doorashada looga baahan yahay inay ku baraarugaan in waqtiga heshiiskaas uu dhawaan dhacayo, “Inta ka hartay bishaan December aad ayey muhiim u tahay,” ayuu yiri.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay inay horay uga taxadareen in dalku galo firaaq dastuuri ah, oo ay bedeleen qodob ka mid ah dastuurka, si ay u sii jiraan hey’adaha dowladda ilaa inta laga soo dhisayo golayaal cusub.

“Sharciga lambar 30 waa sii jiri doonaa, ilaa baarlamaanka 11-aad laga dhaariyo, aad ayaan ugu faraxsanahay in Alle nagu badbaadiyey dadaalkii aan horay u bixinay,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Hadalka Mursal ayaa waxaa si toos ah loogu macneeyey inuu tusmeynayo isku day muddo kororsi labaad oo socda, xilli la sheegay in Farmaajo isku dayayo inuu carqaladeeyo doorashada dalka.

Hoos ka daawo