Midowga Masharaxiinta oo war kasoo saaray laba arrin oo xasaasi ah oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Masharaxiinta oo war ka soo saaray khilaafka guddiyada doorashada ayaa ku baaqay in deg deg loo soo doorto hoggaanka guddiga doorashada heer federaalka iyo kan xalinta khilaafaadka, kadib markii xilalkii laga qaaday labadii guddoomiye ee guddiyadaas.

Golaha ayaa sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqay in aysan ku milmin arrinaha siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan,” ayaa lagu yiri bayaanka midowga, oo muujinaya inay ku qanacsan yihiin in la eryo guddoomiyeyaasha guddiyada doorashada.

War-saxaafadeedka Golaha ayaa lagu sheegay Midowga Musharaxiinta ay aaminsan yihiin in xalku uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran ‘taas oo keenaysa in natiijadeedana la aqbalo.’

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember. Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warkaan ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo aaday xilli galabta xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ee FEIT ay xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Maxamed Xasan Cirro.

Sidoo kale todobaadkii hore Ra’iisul wasaare Rooble ayaa 7 xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro waxuu ka eryey guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, waxayna tallaabooyinkaas musharaxiinta mucaaradka ah u miijiyeen qaneeco, iyagoo dalbaday in si deg deg ah ay guddiyadu u doortaan guddoon cusub.