Cabdullaahi Maxamed Nuur ma Farmaajo ayuu u galay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay inuu maanta Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.”

Hadalkaas ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

Waxay ugu yeeraan siyaasi aan mabda’ laheyn, oo wixii uu markii horeba u qeylinayey uu ahaa kursiga, kaasi oo hadda oo uu helay ay ka dhigtay inuu hilmaamo qofkii uu shalay ahaa.

Ka sokow hadalka kasoo yeeray Cabdullaahi, waxaa maalmahan jiray warar sheegaya inuu xulufo la noqday madaxweynaha, oo ka furtay ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal xooggan oo la xiriiray magacaabista wasiirka kala kulmay Farmaajo.

Hadalka maanta kasoo yeeray Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wararka suuqa ugu jira waxay tusaale u yihiin in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda uu saldhig u yahay kaliya kursiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii