25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Daawo: SACDIYA oo lagu dheggan yahay kadib ku biiristii xisbiga Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xooggan ayaa ka dhalatay in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar ay ku biirtay xisbiga cusub ee madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo dhowaan laga daah-furay magaalada Muqdisho.

Sacdiya ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha horumarinta bulshada iyow wacyigelinta ee xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo ay sidoo kale ku xigeenno ka yihiin Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxa xisbigan xubno  buuxo ka ah madaxweynayaasha HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh.

Doodda ka dhalatay ku biirista Sacdiya ee xisbigan ayaa waxaa maanta la horgeeyay Baarlamaanka, waxaana ka hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay in arrintan ay ka hor imaaneyso dastuurka dalka.

Jeesow ayaa sidoo kale Sacdiya ugu baaqay inay ka baxdo xisbigan ama ay sharraxdo sifaha ay ugu biireyso ururkaas, iyada oo ah guddoomie ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

“Guddoomiye Sacdiyo inay noqotay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Madaxweynaha qodob ayaa diidaya ee hanoo sheegto haddii ay ogoshahay. Hadii walaashey ay ku qanacday xilkaas waxaan ka codsanayaa aniga oo ku hadlaayo baarlamaanka afkiisa inay kasoo degto, haddii ay ku qancina ay nagala hadasho arrintaas” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhanka kale, Xildhibaan Caasho Koos ayaa garab istaag u muujisay guddoomiye Sacdiya, waxayna tilmaamtay in xikaasi ay qaban karto “Gudoomiye Sacdiyo waa muwaadin Xilka la rabo ayaa loo dhiibi karaa”.

Intaas kadib waxaa arrintan si deg-deg ah usoo farogeliyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si wayn u difaacay ku xigeenkiisa koowaad, wuxuuna gebi ahaan ka horyimid doodda laga keenay ku biiristeeda xisbiga madaxweynaha.

“Waxa laga hadlaayo waa guddoomiyaha ee si fiican u fiiriya dastuurka ee kuma qorna guddoomiye ku xigeenka laakiin hadda arrintaas uma fadhino raalli ahaada walaalayaan doodaas waa idinka qabsaday sababtoo haddii aan galno meel kale ayay nala aadeysaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Qofkii dood sharci ah qabo si kale ayaan u wajaheynaa, hadane waxaan ku soconeynaa ajendaheenna”

- Advertisement -

Read more

Local News