Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeyso maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa sii xoogeysaneyo marba marka ka dambeyso, waxaana labada dhinac oo daris ah ay qaadayaan tallaabooyin iska soo horjeedo oo colaad ka horinayo labada maamul.
Xiisadda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf toos ah oo ku aadan lahaanshaha dhul ay isku haystaan labada maamul oo aan weli kala guran.
Labada dhinac ayaa isku qabsaday degmada Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay haatan ciidamo dheeraad ah gaysay Puntland, si ay uga hortagaan kuwa SSC-Khaatumo.
Ciidamada ay dirtay Puntland ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay halkaasi Jimcihii tageen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo, arrintaas oo ay si weyn uga hortimid Puntland.
Warsaxaafadeed kasoo baxa Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in degmada Shaxda ay yimaadeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo baxay dhanka Taleex, balse laga saaray magaalada, sida lagu sheegay bayaanka.
“Waxaan helnay helay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska”.
Maamul-Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale diray digniin culus oo ku aadan xaaladda soo korortay, isagoo ku goodiyay inay ka hortagi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah amniga.
“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Puntland.
Demmada la’isku hayso ee Shaxda ayaa ku taalla xadka gobolka Sool, waxaana horay u sheegan jirtay Somaliland oo iyana maamusha qaybo kamid ah gobolkaas.
Puntland iyo SSC ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana ka dhex taagan xiisad culus oo sii laba kacleeysay, kadib aqoonsigii ay dowladda federaalka siisay Khaatumo