25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xog: Dr. Cabdiweli GAAS oo loo magacaabayo xil sare

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha hore ee Puntland, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed, iyadoo haatan la dhammeystirayo habraacyadii rasmiga ahaa ee magacaabistiisa.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, magacaabista Dr. Gaas ayaa ah mid dhowaan si rasmi ah loo shaacin doono, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada Midowga Afrika uu ku doonayo in uu door muuqda kaga qaato xal u helista colaadda muddada dheer ka taagnayd dalka Suudaanta Koonfureed.

Soomaaliya oo xubin ka ah Urur Goboleedka IGAD — kaasoo door muhiim ah ka ciyaara dadaallada nabadeynta Geeska Afrika — ayaa kaalin firfircoon ku leh arrimaha South Sudan. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa kalsoonida la gelinayo doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waaya-aragnimada shaqsiga loo xulanayo howlahaas.

Midowga Afrika horey uma lahayn Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, halka ay qaaradaha kale sida Galbeedka, Koonfurta iyo Bartamaha Afrika horey u lahaayeen ergo gaar ah. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa isbedel cusub oo Midowga Afrika uu doonayo inuu ku dardar geliyo doorkiisa siyaasadeed ee gobolka.

Urur-goboleedka IGAD ayaa sanadihii u dambeeyay si toos ah uga shaqeynayay xalinta khilaafaadka dalalka Sudan, South Sudan iyo dagaalkii Tigray ee Itoobiya, iyadoo Midowga Afrika uu inta badan ka ahaan jiray kormeerayaal dibadda ah, balse aanu si toos ah uga dhex muuqan geeddi-socodyadaas.

Dr. Gaas, oo muddooyinkii dambe ka maqnaa saaxadda siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayaa dhawaan safarro diblomaasiyadeed ku tagay Jabuuti iyo dalal kale, iyadoo lagu warramayo inuu halkaas ka bilaabay ololihiisa ku aaddan xilka Ergayga Gaarka ah. Wararka qaar waxay tilmaamayaan in magacaabistiisa ay tahay mid si gaar ah loogu tixgeliyey khibraddiisa siyaasadeed iyo fahamka uu u leeyahay isbedelka siyaasadeed ee gobolka.

Haddii la ansixiyo, Dr. Cabdiweli Gaas wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xil noocaas ah ka qabta Midowga Afrika, taasoo sare u qaadaysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News