Maxaa ku dhacaya Jabuuti, haddii ay Itoobiya qabsato magaalada Saylac? + Video

Muqdsiho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashadda dowladdii Kacaanka Aadan Maxamed Cali oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska baddan ee ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Aadan Maxamed Cali oo khabiir sare ayaa marka hore ka shekeeyay taariikhda dhulka la’isku hayo, isla markaana ay rabto inay la wareegto dowladda Itoobiya.

“Saylac sida aynu wada ognahay waa dgemada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ugu shisheysa weeye Awdal bay ku taal waa magaallo taariikh leh” ayuu yiri Aadan Maxamed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday damaca Itoobiya ee ku aadan Saylac, wuxuuna sheegay inuu halis ku yahay Jabuuti, oo uu tilmaamay inay la wareegi karaan Itoobiyaanka.

“Haddii la qabsado Saylac waxaynu ognahay Itoobiyaanka iyo Canfarta oo is kaashanaya ayaa Jabuuti qabsanaya” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada dowladdii Kacaanka.

Waxaa kale oo uu xusay in heshiiskan uu dhaawacayo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna tahay in laga hortego xadgudubka dowladda Itoobiya.

“Midda kale haddii Saylac iyo Lughaye la qabsado midnimadii Ummadda Soomaaliyeed, aynu raadineynay waa kala jajabeysaa” ayuu sii raaciyay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ee dowladdii kacaanka ayaa sidoo kale farriin cuus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka.

“Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan leeyahay hala kaco oo hala diyaar garoobo ku dhagax hela, ku qoray hela, mid fallaar ama wara hela” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiska badda ee Addis Ababa, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.