Somaliland ‘oo qiil yaab leh u sameysay’ xariga wasiirkii diiday damaca ITOOBIYA

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga loo gaystay wasiirkii hore ee beeraha ee maamulkaasi, Axmed Muumin Seed oo xalay ciidanka ay soo qabteen, kuna xireen magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa ‘qiil yaableh u sameeyay’ xarigga wasiirka oo diiday heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay MM-TV.

Afhayeen u hadlay Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Muumi Seed uu soo dacweeyay muuwaadin, dacwaddaasna aytaallo maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof shicib ah oo lamid ah oo muwaadin ahna wuu dacweynayay, waxayna taallay dacwaddaa maxkamadda, isagana waa ku qanacsan yahay marka waa qaabkaas dacwadda” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Somaliland

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in looo xiray diidmadiisa ku aadan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo haysto kiis lacag ah.

“Haddii wax kale la sheegayo annaga ma ogin, laakiin waxa loo haystaa waxaa weeye kiis uu maxkamadda ka damiintay oo lacag ah, lacagtaas dadkii dhibanaha ahaa waxay soo goosteen warqad waaran ah oo lagu qabanaayo ninkaas” ayuu ma kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in xiridiisa ay amartay maxkamadda degmada, sidaasna ay kusoo xireen ciidamada Booliska Somaliland.

“Wax siyaasad ah oo uu ninkaas u xiran yahay ma jirto Axmed Muumin Seed baa la dhahaa wuxuu ku xiran yahay waaranka maxkamadda degmada, waxaana idin tusin doonaa oo caddeyn ah waarankii aan ku qabtay ninkaas oo hadda ku xiran saldhiga” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, wasiirka xalay la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM-TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.