Daawo: Hooyada Ikraan oo hadashay, farriin culusna u dirtay Xasan iyo Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan wax laga qaban sidii ay u timid dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo ka dhigan in muddo saddex sano ku siman ay weli cadaalad raadineyso.

Qaali ayaa waxay sheegtay inay xaalad caafimaad oo adag la soo deristay sidii ay cadaaladda inanteeda u daba joogtay, “Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto.”

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo hadda jooga hay’addii gacanteeda lagu waayey Ikraan Tahliil inay kiiskaan wax ka qabtaan.

“Waxaan halkaan baaq ugu dirayaa madaxda dalka oo ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza, Aadan Madoobe oo dhamaantood ay ballan-qaadeen arrintaan, waxaa ka codsanayaa in ay kiiskaan wax ka qabtaan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Waxay intaas kusii dartay “Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa halkaan baaq uga dirayaa oo isagu hadda jooga taliskii Nabad-sugidda, waa meeshii lagu waayay gabadheyda waaye, in uu arrintaas wax ka qabto ayaa ugu baaqayaa.”

Sidoo kale waxay sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwo cusub u geysatay, ayna xilligaan uga fadhido madaxda sare ee dalka inay arrintaas meel-mariyeen, si cadaalad u hesho gabadheeda.

“Kiiskaas qof walba oo Soomaaliyeed ayaa isha ayuu ku haaya, wey iga aamusan yihiin oo wax la iiqabtay ma leh oo wal-bahaar ayaa la noolahay. Waxaan ka codsanayaa inay arrintaas meel-mariyaan si ay umadda Soomaaliyeed u badbaadan oo dhibaato loogu geysan.”

Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntiina rejo wanaag ka muujisay in sida ugu dhaqsaha badan looga soo jawaabi doono baaqeeda, “Waxaan jeclahay in wax laga qaban doono arrintaan.”

Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xooggan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali Maxamed Guhaad.

Hoos ka daawo