Kadib GUUSHII maanta la gaaray, R/Wasaare Xamza oo sameeyay ballan-qaad culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo howl-galkan ay ka fuliyeen deegaankaasi ay ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka kooxda Al-Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid, kaasi oo uu qeyb ka yahay howl-galka saaka lagu xoreeyay deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.