Daawo: Hooyo QAALI oo shaacisay laba xildhibaan oo qeyb ka ah kiiska IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaacisay magacyada labo xildhibaan oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda.

Labada Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayey si adag ugu digtay hooyada Ikraan oo xiligan dadaal dheer ugu jirta sidii ay gabadheeda u heli laheyd cadaalad.

Sidoo kale waxay sheegtay in labada Nin ay qaraabo dhow yihiin mid kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka ka kalena ay is-xigaan Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee NISA.

“Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, umadda Soomaaliyeedey arka oo marqaati ka ahaada in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Hooyo Qaali ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay kalsooni badan ku qabto Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ay kiiskaas cadaaladiisa ka sugayaan, xilli uu dhawaan bilaabay dar-dar gelinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday isku dayayo in uu hoos u dhigo miisaanka kiiska Ikraan oo sida la rumeysan yahay lugaha la galay mas’uuliyiin sare, uuna rabo in si dhaqan ah lagu xaliyo, qoyskeedana la siiyo diyo.

Hoos ka daawo Hooyo Qaali