Daawo: Jawaari, Muudey, Shariif Xasan iyo siyaasiyiin ku dhawaaqay Isbaheysi ka dhan ah C/casiis Laftagareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray golaha ‘Samata bixinta maamulka Koonfur Galbeed’ ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen.

Isbaheysigaan waxaa ku mideysan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horay siyaasiyiintaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana reebay tartankii doorashada baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee muranku ka taagan yahay waa muddo xileedka Madaxweyne Laftagareen goorta uu ku egyahay, wuxuuna jaha wareerkaan ka soo bilowday mudo kordhin ay kol hore uu baarlamaanka maamulkaas u sameeyey madaxweynaha.

Siyaasiyiinta ku mideysan isbaheysigaan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in caqabado maamul oo aad u adag ay ka jiraan Koonfur Galbeed, isla markaan ay qasab tahay in deg deg looga tashado aayaha deegaanada maamulkaas.

Iyagoo mid mid ula hadalay warbaahinta ay is dul taageen duurufaha maamul ee ka jira Koonfur Galbeed, waxayna aad u dhaliileen habdhaqanka Madaxweyne Laftagareen oo sida ay sheegeen caburin ku haya bulshada ku nool deegaanada maamulkiisa.

Amni darro, maamul xumo, hormar la’aan iyo caqabado kale oo ay soo tiriyeen ayey sheegeen in Laftagareen uu reer Koonfur Galbeed ugu daray mudo kororsi, waxayna wacad ku mareen in taas aysan ka aqabali doonin.

Hoos ka daawo