Xog cusub oo laga bixiyey duullaanka Al-Shabaab ee xuduuda Itoobiya – Dhageyso

Yeed (Caasimada Online) – Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool Cabdisalaam Duwane Cumar ayaa ka war bixiyey dagaalkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanada Yeed, Atoo iyo Washaaqo kadib wareysi uu siiyey idaacadda VOA.

Guddoomiye Duwane ayaa sheegay in kooxda Al-Shababaab ay weerarka soo qaaday isla markaasna uu saameyn xoog leh ku yeeshay deegaanada uu dagaalka ka dhacay.

“ Degmada Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay laba askari oo ciidankeena ah, waxaa kaloo ku dhaawacway dad shacab ah oo kor u dhaafayo toban oo isugu jiray carruur, haween iyo odayaal” ayuu yiri guddoomiye Duwane.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro intaas ka badan ay ka dhaceen deegaanada Atoo iyo Washaaqo, isagoo xusay in dagaalka lagu soo qaaday waqti isku mid ah.

“ Dagaalka waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay ciidamada dariska nala ah ee Liyuu Boolis, kuwa Militariga ee dowladda Soomaaliya iyo shacab ku sugan deegaanada lasoo weeraray, kooxda Al-Shabaab waxay dadka shacabka ah ku duqeysay madaafiic taasoo sababtay inay dadkii dhan barakacaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay ahaayeen laba qeyb, kuwa wuxuu sheegay inay toos ugu gudbeen gudaha Itoobiya halka kuwa kalana ay difaac u ahaayeen isla markaasna ay dagaal ku mashquuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Liyuu Boolis ee ku sugnaa deegaanada xuduuda u dhow.

Duwane ayaa wareysigiisa ku sheegay in ciidamadii Shabaabka ahaa ee Yeed soo weeraray ay weli is hor fadhiyaan isla markaasna ay rajeenayaan inay dhawaan iska fogeeyaan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in ciidamada Shabaabka gudbay ay gaareen illaa 145Km oo gudaha Itoobiya ah, wuxuuna sheegay inay ahaayeen ciidamo 400 gaarayo kuna hubeysnaa gawaarida dagaalka oo ahaa 18 gaari.

halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhameystiran