Daawo: Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay shalay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne ay kula kulmeen iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, halkaas oo beesha uu metelo Jeesow ay degto.

“Dagaalkaan waxaa iclaamiyey Madaxweynaha, kulan gaar ah ayaan la yeelanay aniga waxgaradka beesha, wuxuu naga balan qaaday in wixii qaldan la sixi doono, laakiin in la xoreeyo dhulkeenna ayaa wax kasta ka horeysa,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in beeshiisa ay dhawaan qaadi doonto dagaalkii ugu cuslaa adib, isagoo ugu baaqay dadka uu metelo dal iyo dibad inay is garab istaagaan oo loo diyaar garoobo dagaal la isaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab,

“Meel kasta oo beesha aan metelo ay degan tahay, Hiiraan ilaa Jubbaland, maalmaha soo socda dagaal ka culus kuwii hore oo kooxda Al-Shabaab lagu laayo ayaa ka bilaaba doona, jaaliyadaha beesha waxaan ka codsanayaa inay garab istaag noo muujiyaan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Deegaanka aan kasoo jeedo ee galbeed Hiiraan waxaa laga bilaabayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, Madaxweynaha waan kawada hadlay howlgalkaas, wixii tabasho ah waa la xalinaa, socdaalkii madaxweynaha ayaa ahaa in la dardar geliyo dagaalka, waana dhaqaaqeynaa.”

Hoos ka daawo