Madaxweyne Xasan oo burburiyey xeerar uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu cadeeyey dikreeto ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburiyey xeerar uu horay u saxiixay maadxweynihii ka horeeyey ee Farmaajo, kuwaas oo la tilmaamay in dastuurka dalka aysan waafaqsaneyn.

Xeerarkaan oo seddax ah ayuu Farmaajo saxiixay sanadkii 2020-kii, iyadoo la baal marsiiyey ansixinta golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana meel mariyey golaha shacabka oo kaliya.

Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Ansixinta Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya, ayuu buriyey Xasan Sheekh.

Sidoo kale xukuumadda ayaa dikreetadaan lagu faray inay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Hoos ka akhriso dikreetada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajinta sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-kii, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo.

MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

MARKUU ARKAY:  Qodobada kala ah  71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo  112aad ee  Dastuurka KMG ee J.F.S,  Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

1-  Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2-  Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3-  Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.