Daawo: Odayaasha Muqdisho oo war ka soo saaray xubnaha loo magacaabay G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo dhaweeyeen magacaabidda xubnaha maamulka gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa si gaar ah u amaanay xulashada madaxweynaha ee guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo xalay la magacaabay.

Ugu horeyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa yiri, “Laga soo bilaabo magacaabidii guddoomiye Yuusuf Madaale iyo ku xigeenadiisa oo saacadihii lasoo dhaafay lasoo dhameystiray, waan ka mahad naqeynaa magacaabidaan oo waa ragii mudnaa, intooda badan ragaan shaqada waa yaqaaniin, waxaan ka rajeynayaa in shacabka gobolkaan ay yihiin madaxdii anfici laheyd.”

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey xulashada xubnahaan cusub.

“Markaan ayuu dhameystiran yahay maamulkii aan u rabnay gobolkaan Banaadir, howl badan ayay u baahan tahay Xamar, soo dhawaada oo shaqo muuqata qabta ayaan leenahay masuuliyiinta cusub,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Banaadir in dad daalan, magaalo ami darro badan wajaheysa, dadkeeda gardaro lagu dilo maalin kasta loo soo magacaabay, oo dhibaatadaan ay wax ka qabtaan, inta ay heystaan fursadaan la siiyey.

Odayaashaan ayaa madaxweynaha ugu duceeyey inuu la garab galo hoggaaminta dalka oo talada wanaagsan uu Alle haleeshiiyo, “Soomaalidu madaxda waa habaartaa, islaamka kale wuxuu nooga fiican yahay madaxdooda waa u duceeyaan, xitaa hadii ay wax ka qaldamaan si Alle u toosiyo, yaan la habarine haloo duceeyo madaxda, sababtoo ah madaxweynuhu waa darawal gaari oo kale,” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo