Daawo: Jeneraal Gacma-duule oo shaaciyay howl-galo culus oo hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Jeneraal Gacma-duule ayaa sheegay inay ciidamada ku jiheysan yihiin deegaano ay weli ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Al-Shabaab, islamarkaana ay soo afjari doonaan.

“Ujeedada u horeysa dagaalka waa in Al-Shabaab laga sifeeyo, taas oo la tixraacayo iclaamkii madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya. Maalmaha soo socda howlahooda waa soo afjarmi doona insha allah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in howl-gal culus u jiheysan yahay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, isagoona sheegay in war farxad leh ay dhawaan maqli doonaan umadda Soomaaliyeed.

“Kuwii u dhintay xoreynta dalka Allaha janadiisa ka waraabiyo, kuwii u dhaawacmayna Ilaahay caafimaad ha siiyo.”

Jeneraalka ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay sida ay shacabka isku abaabuleen ee qeyb uga yihiin dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kuna dhiirigeliyay inay halkaas kasii wadaan halganka.

“Qofkasta oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in gacan ka geystaan in dalka laga cirib-tiro nimaankaas diin-lawaayaasha. Waxa ku dardaarmeyna khawaarijta oo maalmaha soo socda madaxa laga wada gooyo.”

Kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha oo is abaabulay ayaa toddobaadyadii dambe laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano ay ka talinayeen sanado badan.