Daawo: “Xasan markii uu ka adkaaday Farmaajo dabkuu naga riday” – Cali Mareexaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu garab istaag ka dalbaday xiligii uu loolanka adag kala dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Mareexaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya uu markasta lasoo hadli jiray madaxda sare ee Somaliland, si ay ugu garab siiyaan damiciisa siyaasadeed iyo in uusan soo laaban Farmaajo.

“Xasan Sheekh barigii dhaweyd uu Farmaajo ka adkaaday telefoonka ayuu dabka naga riday, habeen iyo maalin wuu soo hadlayay oo waxa uu lahaa gurmad baa u baahanahay,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu ku abaal dhacay Somaliland, inkasta oo si cad uusan u tilmaamin wasiirka abaalka ay madaxda Somaliland u gashay madaxweynaha Soomaaliya.

“Soomaalidu waxay tiraahda waxay kugu daran tahay marka midka ka heelineyso ku garto, kaad u hiilineyso ku garan waayo oo maangab noqdo. Waxa la hadlaya dadkooda taariikh fara badan ayaa lasoo mare nimankaas eeda idiin soo jiidaya ee umadda reer Somaliland ku gafaya dib u eega.”

“Abaal xumadu ma wanaagsana, dunida himika oo qudha ma aha oo waxa laga yaaba in wax badan la isku baahdo. Marka ay isku kiin dubo dhacdo cayda iyo af xumada joojiya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo ka jawaabaya hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegay maamul.

Hoos ka daawo muuqaalka