Daawo: Jubbaland oo soo bandhigtay meydadka xubno badan oo Al-Shabaab ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta weerar ku dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaas ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Degaan lagu magacaabo Muuse-Xaaji oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay kooxdaan, kadib markii ay ciidamadu weerareen xilli ay isku uruursanayeen halkaas.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo Jubbaland TV la hadlay ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 dagaalme.

“Saakay ayaa ka war-helay in kooxdaan ay halkaas isku uruursatay, kadib waan weerarnay waxaana idinla wadaagnay meydadkooda, ugu yaraan 10 ayaan halkaas ku dilnay, weerarkaas wuxuu ahaa mid guuleystay,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan xubno googo’ay oo tiradaan la xaqiijiyey geeridooda aan ku jirin, sidoo kale wuxuu sheegay inay qorsheynayaan howlgallo kale.

Waxaa maanta lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii lagu laayey duleedka Jamaame, waxayna xusid mudan in dalka oo dhan uu ka socdo howlgal culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo.

Hoos ka daawo