Daawo: Khasaare xoogleh oo ka dhashay dabkii ka kacay isgoyska BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay suuq casri ah oo la yiraahdo Karaama Mall oo ku yaalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay haamo yiilay qol kamid ah Mall-ka, wuxuuna kusii fiiday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu dhaliyay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in ugu yaraan afar goobood ay gubteen, isla-markaana ay ku jirtay carwadii uu ku lahaa halkaasi.

“Wixii dhici lahaa way dhaceen qadar alle waayey aniga iyo qolo kale oo daris ila aheyd sidoo kale u baxeen ugu yaraan afar ganacsi ayaa gubatay,” ayuu yiri ganacsaduhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga koon kama dhex qaadin waa isku dhammaatay carwo ayey aheyd,”.

Ganacsade kale oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sharraxay inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray suuqa uu dabka ka kacay oo ay ku yaalleen carwooyin iyo farmashiyaal.

“Wax khasaare Nafeed ah ma jiro, laakiin waxaa jiro khasaare hantiyeed meesha waxa ay aheyd goobo ganacsi meel farmashi iyo carwooyin.” ayuu yiri ganacsade kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.