Sawirro: DF Soomaaliya oo hal arrin ka codsatay Britain

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saran.

Wasiirka Difaaca Qaranka Soomaaliya ayaa intii uu kulankaasi socday wuxuu carrabka ku adkeeyey in arrinta cunaqabateynta ay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhismaha ku socda ciidan qaranka Soomaaliya, si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha taageerada muhiimka ah dhanka ciidamada ka siisa Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta dib u dhiska ciidankii burburay ee qaranka.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah, taas oo dowladda Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title