Mareykanka oo Ukraine ka dejinaya hub militari oo culus

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasi oo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS ee uu Mareykanku ugu deeqay Ukraine iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, gawaarida gaashaaman, hubka wax bur-buriga iyo qalabka dayactirka.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine.

Blinken ayaa intaas ku daray in madaxweyne Binden aanu oggolaasho uga baahneyn Congress-ka si uu ugu wareejiyo qalabka iyo adeegyada kaydka Mareykanka ee ay Ukraine u baahan tahay inta lagu jiro xaaladda degdeg ah.

Marka lagu daro xirmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine siiyay in ka badan $32 bilyan oo gargaar militari.

Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaarsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah 20-kii Febraayo ee sanadkan ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xilligaasi wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden.