Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa safar ku gaaray dalka…

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka degay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Doxa ayaa ah mid aan horay loo sii shaacin.

Madaxweynaha ayaa dalka Qatar uga qeyb-galaya shir ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey oo u gaar ah dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, ayaa waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan.

Shirkaan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay baahan tahay garab, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dunida kala dhexeeya iyo in garab ay ku hesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uusan ka dhoofin dalka wuxuu socdaal ku joogay deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo madaxda maamulkaas uu kulamo kula yeeshay, isagoo booqday deegaano fog-fog oo ka tirsan gobolkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu waday inuu u safro gobolka Gedo oo jaha-wareer maamul uu ka jiro, isagoo Jimcihii balan qaaday inuu Gedo tegayo oo dadka gobolkaas ku nool uu soo dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan.

Gobolka Gedo ayaa Jubbaland ka go’an ku dhawaad 3-dii sano ee lasoom dhaafay , waxaana hadda rajo badan laga qabaa in meesha laga saaro madmadowga ka dhex jira siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.