Daawo: Khudbadii xiisaha lahayd ee Salaad Cali Jeelle ee ka xanaajisay Xasan iyo Damul-Jadiid

Boosaaso (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa khudbad xiiso leh ka jeediyay xaflada furitaanka Garoonka cusub ee magaalada Boosaaso, taasi oo uu ku weeraray Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid.

Salaad Cali Jeelle ayaa weerar ku qaaday nidaamka 4.5 isagoo sheegay in qaabkaasi aan lagu sii socon karin. “Waxaa la yiri haweenku haddii foosha ku dheeraato oo ay dhali weyso, waxaa lagu duraa kululeyso, waxaan leeyahay dowladeena kululeyso ha lagu duro” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sacab fara badan u dhacaan.