Xog: Imisa sarkaal oo Dam-jadiid ah ayuu Xasan Sheekh si been ah u dallacsiiyey (Aqri yaabkan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo waramaaya in Xassan uu hirgaliyay qorshihii uu ku taamaayay.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu dalacsiiyay dhalinyaro farabadan oo la shaqeyneysay mudada uu xilka hayo, kuwaasi oo iminka uu ku taxay darajooyin kala sareeya.

Xassan Sheekh ayaa dalacsiiyay 53 dhalinyaro oo la sheegay inay qaaten darajada ”Kabtan” kuwaasi oo isaga si gaar ah ula shaqeynaysay.

Xassan ayaa sidoo kale dalacsiiyay 70 dhalinyaro u badnaa Damul-jadiid kuwaasi oo qaatay Darajada ”Gaashaanle” islamarkaana ka kala tirsan Hay’adaha amaanka sida Boliska iyo NISA, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Ujeedka dalacsiintaani ayaa la sheegaya inay la xiriirto wakhtiga kasii dhamaanaya Madaxweyne Xassan Sheekh, oo doonaaya in dhalinyaradaasi ay ku dhex abuuraan Dowlada soo socta ee la filaayo in dhawaan doorashadii ay ku imaan laheyn ay dhacdo.

Xassan Sheekh oo abaal u haya Damul-jadiida ayaa mudada u harsan damacsan in Kooxda uu uga faa’iideeyo Siyaasada dalka, kadib markii uu walaac gaar ah kasoo foodsaaray suuragalnimada inuu ku guul dareysto doorashada.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xassan ayaa Saraakiishaasi ka howlgaliyay xarumaha ugu waaweyn DFS si ay u hantaan Siyaasada cusub ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com