Xog: BF oo billaabay diyaarinta MOOSHIN cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka BFS ayaa sheegaya in Xildhibaanada BF ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Wasiirka amniga gudaha Cabdirisaq Cumar Maxamed.

Xogta oo uu bixiyay Xildhibaan ka tirsan BF gaar ahaan qeybta amniga ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay gacan ku leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan Xukuumada Somalia iyo Hay’adaha amaanka dalka.

Wuxuu sheegay in Dhaqaalaha ugu badan Mooshinkaasi uu bixinaayo Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia C/raxmaan Tuuryare oo uu sheegay in bilihii ugu danbeeyay uu kala dhexeeyay Khilaaf dhanka amniga ah.

Wuxuu intaa kusii daray in dhaqaalaha loo adeegsanaayo hirgalinta Mooshinka ay gacan ka geysanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, inkastoo uusan carab dhabin magacyadooda.

Isaga oo arrintaani cusub xog ka bixinaaya ayuu yiri ”Dabcan maaha arrin cusub in dhicitaanka mas’uuliyiintu ay isku adeegsadaan BF, Mooshinkaani waxaa gadaal ka riixaaya Tuuryare oo inta ugu badan dhaqaalaha bixinaaya”
”Mooshinka waxa uu yahay mid salka ku haya arrimo la xiriira amniga oo labada mas’uul ka dhexeeya”

Docda kale, waxa uu tilmaamay in Mooshinka diyaarintiisa uu iminka socdo, islamarkaana ay suuragal tahay in Mooshinkaasi uu xilka ku waayo Cabdirisaq Cumar Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com