Xog: Shariif Xasan & Axmed Madoobe oo kulmay iyo shirka KISMAAYO oo cabsi laga qabo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe,ayaa safar deg deg ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo kasoo duulay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Safarka ayaa ku saleysan kulan gaar ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Koofur Galbeed oo si weyn kaga soo horjeedo inuu ka qeyb galo shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Kismayao ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la ogeyn waxyaabaha kasoo baxay kulankooda iyo sida uu ku dhamaaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay shirka beri la qorsheynayay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, wallow aan la ogeyn iney wax isbadali karaan.

Shariif Xasan ayaa ka careysan maamulka Bakool sare ee laga dhisay magaalada Ceelbarde kaasi oo Puntland ay taageero u muujisay, isaga oo sheegay in maamulkaasi deegaanada laga dhisay ay ka tirsan yihiin gobolka Bakool.

Sidoo kale waxaa fikir diidmo ah ka qabo in shirkaasi beri dhaco madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com